Bilaabida wada akhriska

Akhriska buugaagta si wadajir ah waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu wanaagsan ee waalidku sameyn karo si ay uga caawiyaan carruurtooda inay horumariyaan xirfadahooda hadalka iyo isgaarsiinta. Waa marka qofka weynwax la wada akhriyoilmaha halkii uu ka akhrin lahaauu u akkrin lahaa canugga. Waxaa jira xeelado dhowr ah oo dadka waaweyn ay u isticmaali karaan inay ku dhiirigeliyaan carruurtooda inay noqdaan kuwo firfircoon markay wax akhriyaan.

Sidee ayaa u wada akhrin kartaan buuggaagta?

Bilaabida wada akhriska

Deji "wada xiriir seddax geesood ah"

Isku diyaari naftaada, ilmahaaga iyo buuggu u noqdaan saddexagal. Waa inay u fududahay ilmahaaga inuu eego adiga iyo buugga.

Soo jiido dareenka  canuggaaga

Adeegso luqadda jirka, muuqaalka wajiga iyo codadka si aad u soo jiidatid dareenka ilmahaaga.

Sii ilmahaaga wakhti uu ku soo jawaabo.

Waxaa laga yaabaa inaad badiyaa sugto in yar ka hor intaan carruurta yaryari u jeesan akhrinta oo ay ka jawaabaan wax aad dhahday ama aad samaysay.

Tarjumaan oo xaqiiji jawaabta ilmahaaga

Carruurta siyaabo badan ayey uga jawaabi karaan. Waxay tilmaami karaan, tilmaamo sameyn karaan, raadin karaan ama isku dayi karaan inay wax sheegaan. U fasir wax walboo canugaaga sameeyo sida wada xiriir ahaan oo xaqiiji.

Ku dayasho ilmahaaga markay / iyadu wax sheegto ama wax qabato. Tani waxay ilmahaaga u muujineysaa inaad dhageysaneysid. Waxay sidoo kale ku dhiirigelinaysaa ilmahaaga inuu sii wado xiriirka la leh qaylada, ereyada iyo luqadda jirka Markaa waa adiga oo kugu dayanaya cunugaada wuxuu baran doonaa ereyo iyo ficil cusub.

Xaqiiji waxa ilmahaagu dhaho ama isku dayo inuu yiraahdo adigoo ballaarinaya Tusaale ahaan, haddii ilmahaagu yiraahdo ''vroom, vroom'', waxaad dhihi kartaa 'Haa, isagu wuxuu wataa gaarigiisa.'' Tani waxay muujineysaa inaad fahamtay. Isla mar ahaantaana, waxay ka caawinaysaa ilmahaaga inuu horumariyo afkiisa.

Buuga tilmaamaha

Ka qayb geli ilmahaaga xulashada buugaagta si aad u kordhiso dhiirigelinta isaga / iyada. Dooro buug aad ku adeegsan karto luqadda jirka, buuqa, calaamadaha iyo hadalka si ilmahaagu ugu biiro. Maktabada deegaankaaga ayaa kaa caawin karta inaad doorato buugaag wanaagsan. Weydii shaqaalaha maktabadda.

Soo koobid daabacan ee bogga

La xiriir

Boggan waxaa sameeyay Qeybta Caafimaadka iyo Baxnaaninta ee Degmada Uppsala. Macluumaadka waxaa loogu talagalay qof kasta oo raadinaya tilmaamo ku saabsan sida loogu dhiirrigeliyo carruurta inay ka qaybgalaan ciyaarta iyo wada xiriirka. 

Si aad ula xiriirto qofka mas'uulka ka ah waxa ku qoran bogga, u soo dir email: habiliteringen@regionuppsala.se